Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Caana Boore oo Digniin u diray Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir Ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay xoojinta daqliga si loo dardargaliyo mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.
 
Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayay xoojintan la dagaalanka musuq maasuqa iyo in bulshada reer Muqdisho si hufan loogu qidmeeyo waxaana shirkaan goob joog ka ahaa guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo agaasimyaasha daqliga.
 
Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay qaarkood ayaa warbixin ka siiyay Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Maaliyadda sida degmooyinka usoo aruuriyaan daqliga iyo sida loo maareeyo.
 
Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) Gudoomiye kuxigeenka ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga digay Gudoomiyaasha iyo agaasimayaasha shirkan kasoo qeyb galay in ay ku kacaan musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
 
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lacago badan oo canshuuro ah ka qaada shacabka kunool magaalada Muqdisho, waxaana daqliga ay soo aruuriyaan Degmooyinka gobolka qaarkood la sheegaa in sidii loogu tala galay ugu dhicin qasnada gobolka.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo ay kamid tahay Shir ka dhacaya Mareykanka kawada hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo kulmay Wafdi ka socday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano Al Shabaab ka joogeen Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---