Allbanaadir.com
NEWS

Shir Deg deg ah oo laga yeeshay Kulanka Fiinaalaha ee Galmudug iyo G/Banaadir (Sawirro)

Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya , Maamulka G/ Banaadir iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliya  ayaa shir deg deg ah ka yeeshay qabsoomida kulanka fiinaalaha ee tartanka Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday Muqdisho.

 

Kulanka Fiinaalaha ay isugu soo hareen Maamulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa horey loo qorsheeyay in la qabto maanta oo arbaco ah, hasa ahaatee Wasaarada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dhigay.

Shirka maanta yeesheen Madaxda Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in kulanka fiinaalaha tartanka Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la qabto maalinta beri oo khamiis ah.

Waxaa sidoo kale shirka intii uu socday Wasaarada Ciyaaradaha iyo maamulka Gobolka Banaadir la iskula soo qaaday xoojinta amaanka iyo sidii looga hortagi lahaa in ay dhacaan rabshado lamid ah kuwii dhacay kulankii Xulalka Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

Tartanka Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sanadkan ka xiiso badnaa sanadihii hore, waxaana sanadkan ciyaarahan noqdeen kuwii ugu daawashada iyo xamaasada badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda oo qabtay nin hoggaamiye u ahaa koox burcad ah iyo xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Nin caan ka ah Baraha Bulshada (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyey Wasiir ku-xigeenka Difaaca (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---