Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka beri la filayo in uu ka furmayo magaalada Garawe ayaa caawa Madax kala duwan kulamo kula qaatay Garawe.
Axmed Madoobe ayaa caawa Booqasho iyo salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna labada masuul iska warsadeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa doorashada lagu muransan yahay.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland AXmed Madoobe ayaa sidoo kale howga uu ka degan yahay magaalada Garawe ku booqday Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sidoo kale ah Musharax Madaxweyne.
Labada Masuul ayaa kawada hadlay Xaalada dalka uu marayo xiligan kala guurka ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Doorashooyin loo dhan yahay oo la isku raacsan inay dalka ka dhacaan.
Magaalada Garawe ayaa caawa waxaa kulamo kala duwan ku qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgaleysa shirka beri la filayo in uu ka furmo Garawe oo ay ka qeyb galayaan Madaxda DF , Madaxda maamulada qaar iyo Musharaxiinta Mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com