Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa sheekada nin sanado badan gurigiisa ku haya kuna xanaaneesta xayawaanka halista badan ee Yaxaaska, waxa ayna dad badan tilmaameen in ninkaan iyo qoyskiisa halis u bareereen.
Ninkan oo lagu magacaabo Nobumitsu Murabayashi ayaa mudo 34-sano ah gurigiisa ku xanaaneeya Yaxaas weyn oo dherarkiisu lagu sheegay in uu gaarayo 7 feet, halka culeeskiisuna yahay 45-KG.
Waxa uu sheegay ninkan in 34 sano kahor yaxaaskan kasoo iibsaday goob lagu hayay kadib markii wiil yar uu dhalay oo jeclaaday, waxa uuna tilmaamay in yaxaaskan guriga kula noolaa 34-ta sano ay heesteen.
Ninkan ayaa sheegay in yaxaaska cabsi la’aan guriiga ugu nool yahay wax dhibaato ahna aysan ku qabin, waxa uu sheegay hal mar kaliya uu qaniinay wiilkiisa oo xiligaa yaraa waxii xiligaa ka dambeeyayna uusan dhibaato kale geesan.
Odaygan yaxaaska gurigiisa ku xanaaneesta ayaana caan ka noqday magaalada uu kunool yahay, waxa ayna dadka magaalada aad uga cabsadaan yaxaaskan weyn ee kunool guriga Nobumitsu Murabayashi .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com