Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2021-ka oo la meel mariyay (Daawo Sawirada)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa meel mariyay miisaaniyada dowlada ee sanadka 2021-ka oo soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 145-Xildhibaan ayaa si gacan taag ah u meel mariyay miisaaniyadda dowlada Soomaaliya ku shaqeeneyso sanadka soo socda ee 2021-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanadaa Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  meel marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka go’antahay iney xoojiso ayna sii laba jibaarto dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waxa uuna xusay in dakhliga dowlada hada soo galo wax badan ka duwan yahay kuwii hore.

Xildhibaanada golaha shacabka ee mudo xileedkoodu dhamaaday ayaa wali waxaa horyaala hindise sharciyeedyo kala duwan oo aysan wali aysan meel marin , waxaana la filayaa in kulamada soo socdo ay ku meel mariyaan hindise sharciyeedyada qaar ee horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Steen Andersen (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in weerar qorsheesan ku dileen 9-qof oo Kenyan

Cabdi Cade

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo Hambalyo iyo Baaq wada socda diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---