Ururka Xizbullah ee ka dhisan dalka Lubnaan ayaa helay hub badan oo casri ah oo cabsi badan ku beeray maamulka Yahuuda Israa’iil ee dagaalka kula jirta Ururkaasi .
Hoggaamiyaha ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan Sheekh Hassan Nasrallah, ayaa sheegay in kooxdiisa heshay ka badan kii horey u heesatay ay ku jiraan gantaalo casri ah oo isugu jira difaac iyo weerar.
Wareysi uu bixiyay Sheekh Hassan Nasrallah, ayuu ku sheegay in kooxdiisa heesato gantaalo awood u leh in ay ku weeraraan meel kasta oo ka mid ah dhulka Israel iyo dhulka ay xooga uga heesato Falastiin.
Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Xizbullah in maamulka Israa’iil isku dayeen in ay kahor tagaan in kooxdooda hubkaasi casriga hesho, waxa uuna cadeeyay in awooda ururkiisa ka duwan yahay sidii hore .
Nasrallah ayaa sheegay in toddobaadyada xilka uga haray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump ugu yeeray mid maskax ahaan waalan oo carreysan.
Maamulka Israa’iil ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka walaacsaneyd warshad ay sheegtay in Ururka Xisbullahi ku sameesanayaan warshad soo saarta gantaalada is haga, waxaana walaaca Israa’iil sii xoojiyay hajnabaad hada kasoo yeeray Hogaamiyaha Ururkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com