Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Xoghaye cusub u magacaabay xafiiskiisa, xilkana ka qaaday C/risaaq Caato

RW Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha cusub ee Joogtada ah ee Xafiiskiisa.

Rooble ayaa xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qaaday Cabdirisaaq Caato oo markii labaad xilkaas waayey.

Maxamed Ibraahim Nuur Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horey uga mid ahaa la taliyeyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Lama oga illaa hadda sababta xilka looga qaaday Cabdirisaaq Caato oo ahaa nin si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Nicolas Berlanga oo arimo xasaasi ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey labo ajende oo culus (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo caqabad ku noqday Xabbad joojin ka hirgasha magaalada Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---