Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Xoogga dalka oo la dejiyey Maxjarkii lagu dagaalamay ee Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu guuleystay in la dejiyo goobta laga dhisayo Maxjarka magaalada Gaalkacyo oo ay horey dhowr jeer ugu dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay degaanka laga dhisayo dhismaha Maxjarka halkaasoo ay fariisimo ka sameysan doonaan.

Artitan ayaa ku soo aaday xili magaalada Gaalkacyo ay howlo nabadeed ka wadaan taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale Maanta ayaa lagu guuleystay in dib luu furo wadooyin ku xirmay dagaaladii horay u dhexmaray maleeshiyadka Puntland iyo kuwa Galmudug ee Gaalkacyo ku dagaalamay.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyey dedaalada nabadeed ee ay magaaladaas ka wadaan Masuuliyiinta Galmudug kuwa Puntland iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ruushka iyo Turkiga oo ka hadlay waxa ka dhalan kara dilka Ismaaciil Haniya

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweyne Xaaf oo Maamul cusub u magacaabay degmo ka tirsan G/gaduud

Caydiid Ali

Wasiir Ibraahim Maxamed oo Shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---