Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo qarax oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Somalia ayaa goor dhow lagu qarxiyey degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Muxyadiin Xassan Afrax oo sidoo kale ka tirsan ururada bulshada rayidka ayaa la sheegay in gaarigiisa ay la kacday miino la dhigay meel ku dhow xarunta Maamulka degmada Kaaraan.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ilaaladiisa uu ku dhintay qaraxaas, halka labo kale ay ku dhaawacmeen.

Ex-Xildhibaan Muxyadiin Xassan Afrax ayaa la sheegay inuusan la socon gaariga xili uu qaraxa qabsanayey sida wararky ay nagu soo gaarayaan.

Ciidamada Ammaanka DF ayaa goobta wax yar ka dib qaraxa sida caadadu aheyd, waxayna halkaas ka wadaan baaritaano kala duwan.

Dhinaca kale, Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax kale uu goor dhow oo barqadii ah ka dhacay degaanka Km13 oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, welina lama oga cida lala beegsaday qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Wadooyin soo gala magaalada Muqdisho oo dhagxaan shub ah lagu xiray

Cabdi Cade

Mareykanka oo bur buriyay diyaarad sahay iyo qalab u siday kooxda PMC Wagner

Cabdi Cade

Maxaa kasoo kordhay Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala Nairobi ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---