Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax goor dhow ka dhacay wqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada la geliyey ayaa ka dhacay agagaarka garoonka dayuuradaha C/llaahi Yuusuf ee Woqooyiga Gaalkacyo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa darawalka gaari iska roge ah oo wadada marayey xiligaas, iyadoo dadka dhaawaca ahna loo qaaday goobaha Caafimaadka.

Lama oga illaa hadda cida lala beegsanayey qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo halkaas ka wada baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raashin lagu qabtay Dekadda Muqdisho oo la gubay (Sawirro)

Cabdi Cade

Netanyahu oo ka hadlay sida loo sii deynayo Maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas

Caydiid Ali

Kenya iyo Soomaaliya oo kala qeybsanaya baloogyada shidaalka ee labada dal isku heestaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---