Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ben fender.
Cumar Filish ayaa kala hadlay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben fender, sidii ay gacan kaga siin lahaayeen arrimo la xariira horumarinta Magaalada, xallinta khilaaadka iyo xasiloonida amniga.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben fender ayaa balan-qaaday inay ka taageerayaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana muhiimad gaar ah ay u leedahay mashruucan nabadeynta bulshada caasimadda.
Dowlada Ingiriiska iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa si waddajir  ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waarta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com