Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Rwanda oo heshiis 3 sano soconaya la gashay Naadiga K/Cagta Arsenal (Daawo Sawirro)

Kooxda Arsenal oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka dalka Britain ayaa heshiis 3 sano ah la saxiixatay dowlada Rwanda taasoo ah inay kooxda ka qeybqaadato Xayeysiinta iyo dhiirigelinta Dalxiiska dalka.

Waxaad ku arki doontaa (Visit Rwanda) oo ku shaabadeysan dhinaca bidix ee Funaanadda kooxda kuwa heerka koowaad, kuwa ka yar 23-jirka iyo ciyaaraha gabdhaha Arsenal oo xilli ciyaareedka cusub ee August soo galaya garoomada.

Waddanka Rwanda ayaa waxaa soo maray sanadihii sagaashamaadkii dagaalo isir naceyb ah iyo Xasuuq kii ugu weynaa ee caalamka ka dhaca oo lagu dilay ku dhowaan hal milyan oo qof sadex bilood gudahood.

Balse dalkaasi ayaa waxaa ka dhacday dib u heshiisiin balaaran xilligan waa mid ka soo kabtay wixii ka dhacay Madaxda iyo dadkuna waxay ku fekerayaan in dalkooda uu la Jaanqaado caalamka intiisa kale waxaana lagu sameeyey dalkaas dib u dhis xooggan isagoo haatan ka mid ah dalalka afrika ugu horumarka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Nin ku noolaa cunista Qumbaha muddo 28 sannadood ah iyo Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

Ruushka oo dagaal kula wareegay magaalo muhiim u aheyd Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---