Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka kusoo dhaweeyay Wafdiga uu horkacayay Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Garawe uga qeyb galaya  shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage, waxaana shirkan la filayaa in uu beri ka furmo Garawe.

Shirkan ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, qaar , Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga doodi doonaa arimaha doorashada Soomaaliya iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo fashilisay talaabo uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Cadaadis…

Cabdi Cade

Khasaaro ka dhashay dagaal dhax maray Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland

Cabdi Cade

Hogaamiyaha afgembiga ku qabsaday Burkina faso oo balantii ugu horeysay qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---