Allbanaadir.com
NEWS

Rugta Ganacsiga iyo Warshada Soomaaliya oo lakala diray iyo Guddi KMG ah oo la magacaabay

Wareegto goordhaw kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa lagu kala diray Hogaankii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Kala dirista Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la ogeesiiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay ku timid cakirnaan iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay ganacsatada Soomaaliya.

Wareegtada kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Guddi KMG ah oo sii wadi doona shaqada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana Guddigan Gudoomiye looga dhigay Cabdullaahi Nuur Cusmaan .

Halkan ka Akhriso Wareegtada lagu kala diray Rugta Ganacsiga

 

Related posts

Ciidanka RSF oo laga xanibay Mushaarka iyo Jeneralo Shaqada laga cayriyey

Cabdi Cade

Cabdiweli Gaas: “Labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay”

Caydiid Ali

Rooble iyo Madax kale oo ku lugeeyay Laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---