Allbanaadir.com
NEWS

Sadex Qof oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa Degmada Waabari gaar ahaan Buundooyinka ku dilay sadex wiil oo dhalinyaro ah, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilkaasi fulisay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxda hubeesan ee gaariga wadatay rasaas huwiyeen sadexda dhalinyaro oo wada socday kuwaa oo goobta ku geeriyooday, waxaana dilka kadib goobta isaga tagay kooxdii dilkaasi ka dambeesay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhalinyarada la dilay ay katirsanaayeen ciidanka Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dharcadka ah ee ka howglada magaalada Muqdisho, waxaana dilkaan la tilmaamay in uu ahaa mid la qorsheeyay.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaana dilka kadib goobta soo gaaray kuwaa oo meydadka raga la dilay goobta ka qaaday, waxaana ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii dilkaasi fuliyay.

Dilalka qorsheesan ayaana maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalin kahor magaalada Muqdisho lagu dilay labo Oday dhaqmeed oo kamid ahaa ergadii iyo Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mustaf Dhuxulow: “Farmaajo & Fahad Yaasiin waxay go’aansadeen inay sharciga ku tuntaan”

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo shaacisay xiliga la galayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare

Caydiid Ali

Somaliland oo go’aan ka qaadatay ka qeyb galka caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---