Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qiso yaab leh oo ku xeeran wiilkii galabta sababay Guusha kooxda Galmudug

Mohamed Mohamud Sarqaawi waa 22 jir Number-ka uu watay 19. Kana dheelayay weerar. Mohamed wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Puntland Gobolka Bari, Waa xirfadle kubada cagta ah caana ka ah Boosaso.

Sarqaawi markuu arkay xirfadiisa banooni, Akhlaaqdiisa, Kartidiisa in uu ka mid noqon karo cayaartooyda matali karta mandiqada Puntland kana mid noqon karo Xulka Puntland uga qeyb galaya koobka laga furayo Banaadir. Ayaa codsaday in uu ka mid noqdo Xulka Puntland. Nasiib xumo maamulkii xulayay Team-ka Puntland ayaa Sarqaawi ku wargaliyay in uusan ka mid noqon karin Xulka joogtada ah, balse waxay kula taliyeen in uu raaco laguna daro cayaartoyda fadhida haddii fursad loo helana la dheelsiiyo.!! Sarqaawi oo ku qanacsan xirfadiisa cayaareed ayaa aqbali waayay talada ay siiyeen maamulkii diyaarinayay xulka Puntland.

Sarqaawi oo la harsan waayay dhigiisii uuna aaminsanaa in aysan ka xirfad sareyn ayaa usoo hayi kacay Xamar, wuxuu utagay Maamulka Cayaaraha Gal-mudug una sheegay in uusan u qalmin in uu daawade ka noqdo koobka ee ay fursad siiyaan tijaabiyaan aqoontiisa banooni waliba ugu daraan Hogaanka Hagaya Cayaarta dhexdeeda ee Kabtanka.!! Macalinka Gal-Mudug oo ah cayaar yahan waaya arag ah “yaqaana nin careysan cayaartiis” ayaa go’aan saday inuu aqbalo codsiga Sarqaawi siiyayna Kabtankii kuna dhiirigaliyay in uu mudan yahay ka mid noqoshada koobka ka bilaabanaya Banaadir isagoo matali doona Xulka Kubada Cagta Gal-Mudug.

SAMA FINAL-KII GAL-MUDUG IYO PUNTLAND MAXAA DHACAY.?

Garoonka Engineer Yariisoow waxaa soo buux dhaafiyay taageero kala taageersan Galmudug iyo Puntland cayaartii baa bilaabatay, Sarqaawi aad uma yaqaanaan reer Galmudug balse kuma ay kalsooni xuma maadaama uu cayaar hore gool u dhaliyay, reer Puntland iyagu wali yasmadii bay ku hayaan! Maxayse kuugu taal SARQAAWI galabtaan waxay uga qiima badneyd maalintii uu dunida kusoo biiray ee uu dhashay, waxaa ka buuxa ciil iyo caro gaamurtay una hayo Jaalayaashiisii oo duhur cad iska diray. Wuxuu soo bandhigay cayaar ku duugneyd isagoo adeegsanaya xirfadiisa banooni tii ugu sareysay wuxuu weerar xoogan saaray daafacyadii Puntland wuxuu uga yimid dhankasta.

Mohamed Sarqaawi marna kama daalin toogashada goosha Puntland ilaa uu ka hubiyay in uu ku hubsado labo GOOL oo Puntland afka ciida udartay ayna kasoo kaban waayeen ilaa dhammaadkii cayaarta. Sidaas ayayna ku raacday guushii Xulka Gal-Mudug oo ay ugu gudbeen Final-ka koobka ka socda Banaadir.

MAXAY SOOMALI KA BARAN KARTAA SARQAAWI OO KALE,? GAAR AHAAN PUNTLAND.?

1- In Cayaartoyda lagu xusho xirfadooda banooni ee aan lagu xulan nin jeclaysi iyo kanaa i xiga.!

2- In Haddaad laacibkaaga xasado xinif iyo xanaaqna uga tagto uu kuusoo raaci karo dhigaaga kuguna dili karo xirfadiisa iyo aqoonta uu u leeyahay sxb-bada ay soo wada koreen.

3- In Nin rag ah aan lagu ciilin xirfad uu aqoonteeda leeyahay, haddaad ciishana uu kaaga aargudan karo madal dad badani markhaati ka yihiin. Kuna soo ceshan karo sharafkii iyo karaamadii ku duugneyd ee aad adigu arki wayday.

FG: Soomaali waxay dhankasta uga baahan tahay caddaalad muuqata si loo hagaajiyo loona hubiyo in qofkasta helay xaqiisa iyo xaquuqdiisa.

Waxaa qoray: Cabdirisaaq Badwi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ay diyaarisay Al-Shabaab oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Magaalada Prague (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir iyo saraakiil tagay deegaan shalay Al Shabaab cashar loogu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---