Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Shacabka reer Hiiraan ee dareenkooda muujinaya Ma mudna caburin”

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka, kana mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia Siyaasiga Saciid Ciise Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay qaabkii ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ula tacaaleen dad maanta banaanbax ka dhigay magaalada Belad-weyne, kaasoo looga horjeeday maamulka Hirshabelle.

“Mudaharaadku waa astaan gobonimo iyo halgan wadaninimo. Haddii aan mudaharaad lagala horimaan lahayn gumeystihii Talyaaniga maanta madaxbanaani ma haysaneyn, mana jirteen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo leh dowlad ismaamulkeeda u madaxbanaan” ayuu yiri Saciid Ciise oo qoraal kooba soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaa uu sheegay iney nasiib daro tahay in la caburiyo, iyagoo banaanbax nabadeed ku muujinaya dareenkooda.

“Shacabka reer Hiiraan waxey banaanbax ku muujiyeen dareenkooda wadaniyadeed oo ay ku dalbanayaan iney aayahooda xaq u leeyihiin iney si madaxbanaan uga tashadaan oo ay ka tashadaan dhismaha ismaamulkooda dowladda degaankooda” ayuu yiri Musharax Saciid Ciise.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayuu ku eedeeyey iney joojiyaan fara gelinta iyo in loo adeegsado caburinta shacabka.

“Waxaan ka soo horjeeda faragelinta ciidamada Itoobiya loogu adeegsanayo caburinta xoriyada iyo xuquuqda shacabka reer Hiiraan oo diidan aayaha mustaqbalkooda in la boobo oo xoog lagu muquuniyo diidmadooda ay ku cabirayaan rabitaankooda wadaniyadeed. Inkasto dil iyo dhaawac loogeysto shacab u halgamaya madaxbanaanida ismaamulidooda, haddana tacasiyada ciidamada Itoobiya ay u geysaneyso halgameyaasha reer Hiiraan waxba kama bedeleyso nafti-hurinimada xaqa ah oo ay ku doonayaan xuquuqdooda ay uga tashanayaan madaxbanaanida ismaamulka dowlad goboleedkooda. Taariikhdu waxey diiwaanka madow gelineysaa gaboodfalka loo geystey shacabkaas sida nabada ah ugu jooga mariinka ay u marayaan aayaha rabitaanka ismaamulkooda” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Musharax Saciid Ciise Maxamuud oo dhowaan soo gaaray Muqdisho, kana shaaciyey musharaxnimadiisa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeen lagala wareegay 16 Milyan Dollar iyo Saacado qaali ah iyo Muran ka dhashay

Cabdi Cade

Hoggaamiyaha Sare ee Iran oo si kulul u cambaareeyey Wasiirkiisa Arrimaha dibeda

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay dhismooyin ay yeelanayaan Saddex Hay’adood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---