Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciyaartii ugu xiisaha badneyd tartanka D/Goboleedyada oo galabta ka dhacday Muqdisho

Ciyaar semi final ah oo ka tirsaneyd tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada ayaa galabta ka dhacday garoonka ciyaaraha Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho taasoo dhexmartay kooxaha Puntland iyo Galmudug.

Ciyaartan oo lagu tilmaamay iney aheyd tii ugu adkeyd uguna xiisaha badneyd tartankan ayaa aheyd mid maalmahanba la wada sugayey, si weyna looga hadal hayey baraha bulshada, iyadoo garoonka ay soo buuxiyeen taageerayaashii ugu badnaa oo kumanaan gaarayay.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar kulul oo xamaasad leh, si weyna loo jecleystay, waxayna hardan dheer ka dib 90 kii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Galmudug.

Inkastoo Ciyaartoyda Puntland ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo si weyn loo jecleystay, ayna inta badan gacan sareynta lahaayeen haddana nasiibka ayaa ka hiiliyey.

Kooxda Galmudug oo u soo gudubtay Finalka tartankan ayaa sugeysa kooxaha Banaadir iyo Koonfur galbeed tii soo badisa, kuwaasoo beri uu dhexmari doono tartan aad u adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Booqday Xarumo Caafimaad oo kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xarun qarax lagu burburiyey oo dib loo dhisay iyo Cumar Filish oo xariga ka jaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo lacag badan u balan qaaday cidii soo disha Afhayeenka Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---