Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Miisaaniyada Maamulka gobolka Banaadir ee sanadka 2021 oo la ansixiyey (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii ay meel mariyeen guud ahaan Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tirada guud ee Maamulka ee Goobta fadhiyey ayaa waxay aheyd 65 Ergo, Waxaa ansixiyey Miisaaniyadda 62 Ergo, waxaa diidey 0 waxaana la aamustay 3 Ergo.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqoneysa $36,857,503.00.

Ansixinta Miisaanidda Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maamulka gobolka Banaadir oo ka farxiyey agoonta ciidanka Booliska

Caydiid Ali

Xogta Gaarigii lagu afduubtay Milyaneer Mohammed Dewji oo la helay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---