Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkadda Turkish Airlines oo amar cusub ku soo rogtay dadka ku duulaya

Shirkadda dayuuradaha Turkish Airlines ayaa bilaabaysa in rakaabka ku duulaya ay maraan tijaabada loo yaqaano PCR taasoo bilaabaneysa 30-ka bishan si ka duwan sidii uu markii qorshuhu ahaa oo aheyd 28-ka bishan Disembar sida lagu sheegay qoraal ay shirkadu soo saartay.

Shirkadda ayaa intaas ku dartay in rakaabka aan haysanin natiijada baaritaanka  PCR ah, uusan raaci doonin dayuuradda Turkish Airlines, iyadoo inay is baaraan ay waajib ku tahay rakaabka wixii ka wayn 6 sano jir

PCR waa hab lagu ogaanayo in qofku qabo cudurka Coronavirus ugu badnaan 72 saacadood duullimaadka ka hor.

Rakaabka Soomaaliyeed ee ku safra dayuuraddan oo ah dayuuradaha caalamiga ah ee Somalia ku xira dunida inteeda kale, ayay waajib ku tahay inay sameeyaan baarista PCR, iyadoo go’aankan uu shaqayn doono ilaa 1-da Maarso sanadka xiga ee 2021-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Afhayeenka Taliban”Isbedel weyn ayaa ka jira sida aan nahay hadda iyo 20-sano ka hor”

Caydiid Ali

Farmaajo oo Murugada la qeyb saday Ganacsatdii ku hanti beeshay magaalada Jigjiga

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo wareejiyay Lacag lagu xalinayay Dhacdooyinkii Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---