Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalkii labaad ee ka tirsan Yurub oo laga helay nooca cusub ee Viruska COVID-19

Faransiiska ayaa diiwaangeliyay kiiski ugu horreyay ee nuuca cusub ee cudursidaha coronavirus, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xiriira fayraska ay ku dhuftaan France.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa ku warrantay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.

Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-ki bishaan, waxana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.

Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England, iyadoo Arrintaasi ay keentay in dalal ka badan 40 ay joojiyaan duulimaadyada Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cusmaan Saalax oo goordhaw Muqdisho ku yimid Socdaal aan horey loo shaacin

Cabdi Cade

Coronavirus oo saameeyey Qoyska Boqortooyada Sacuudiga & Bin Salman & aabihiis oo..

Caydiid Ali

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---