Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Askar ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Q/Midoobay oo lagu dilay Magaalada Dekoa

Q/Midoobay ayaa sheegtay in saddex ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta lagu dilay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ka dib weerar ay soo qaadeen malleeshiyo hubeysan oo aanan wali la aqoonsan.

Bayaan ka soo baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi ee loo soo gaabiyo MINUSCA ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ka soo jeedaan dalka Burundi.

Sidoo kale weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Dekoa, oo 200-km waqooyiga uga beegan magaalada caasimadda ah ee Bangui, ayaa lagu dhaawacay laba askari oo iyana ka tirsanaa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Weerarka ayaa ku soo aadaya xilli maalinta berri ah la filayo in dalkaasi ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Madaxweynaha talada haya ee dalkaas Faustin-Archange Touadera ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, oo ah waddan qani ku ah, dhaymanka, dahabka iyo alwaaxa ayaa tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska sannadkii 1960-kii, u soo joogay shan afganbi iyo kooxo kala duwan oo fallaago ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadinkii labaad looga dilay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Wasiir amar ku bixiyey in Xaasaska & caruurta Al-shabaab laga saaro Magaalada..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu Diyaarinayo Ciidamo uu dalka ku qabsado !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---