Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise, Mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo ayaa xariga ka jaray qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo kaas oo baahi weyn loo qabay, waxaana dhismaha iyo dayactirkeeda gacan ka geysatay hay’adda (NRC ) iyo dowladda Jarmalka .
Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyagoo uga mahadceliyay Hay’adda (NRC) iyo dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaateen in lagu soo kordhiyo isbitaalka qeybo kala duwan oo baahi loo qabay, waxaana tilmaameen in baahi weyn loo qabay baalaarinta iyo dayactirka lagu sameeyay qeybta Hooyada iyo Dhallaanka Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo .
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise ayaa mahadcelin ka dib xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay ka wax ka qabashada baahida dhanka Caafimaadka ee ka jirta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay Hay’adda (NRC) iyo dowladda Jarmalka, isagoo sidoo kalana xusay in dowlada goboleedka Galmudug ay xoogga saari doonto qalabeynta iyo dhameystirka qeybtaan lagu soo kordhiyay Isbitaalka Galkacyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com