Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo Joojin lagu sameeyay Saahid Maxamuud Cali iyo Baaritaano lagu sameenayo

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa shaqada looga joojiyay Duqii magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland Saahid Maxamuud Cali.

Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo gudbiyay cabashooyin, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu hareer maray habraaca maamulka dhaqaalaha degmada Gaalkacyo sida ku cad Warqada kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa faray xeer ilaalinta in baaris ku sameeyaan Duqa Gaalkacyo ee shaqo joojinta lagu sameeyay , waxaana shaqada Duqa Gaalkacyo la faray in uu sii wado kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda Caafimaadka QM ee WHO oo eedeyn culus u jeedisay Somaliland

Caydiid Ali

Axmed Jiis iyo 50 kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte

Caydiid Ali

Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Afar Nin oo gacanta ugu jiray (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---