Allbanaadir.com
NEWS

Imaaradka oo ka Jawaabay Faro-gelin la sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka

Dowlada Imaaradka Carabta ayaa ka jawaabtay eedeyn uga imaaneysay Warbaahinta dalka Mareykanka oo ku aadaneyd in ay faro galin ku sameeyeen Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka.

Imaaradka ayaa beeniyay in wax faro galin ah ku sameeyeen doorashadii Madaxweyne ee ka dhacday dalka Mareykanka sanadkii 2016-kii uu ku guuleestay Madaxweyne Donald Trump.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash ayaa Qoraal uu soo dhigay  barta twitter-ka ku beeniyay Eedeynta Warbaahinta dalka Mareykanka in ay faro galiyeen Doorashada Mareykanka lana kulmeen Wiilka Madaxweyne Trump.

Anwar Gargash, UAE Minister of State for Foreign Affairs arrives for a press conference in Dubai, United Arab Emirates, Saturday, June 24, 2017. (AP Photo/Kamran Jebreili)

“Waa in dareen lagu bixiyaa xaqiiqda intii la eegi lahaa warar aan jirin. Imaaraadku marna dadaal kuma bixin doorashadii Mareykanka ee 2016” ayuu Gargash ku qoray bartiisa twitter-ka.

“Si la mid ah dowldaha kale ee saaxiibka la ah Mareykanka, Imaaraadku waxay xiriir la lahaayeen shaqaalaha iyo la-taliyayaasha labada olole ee madaxweyne, si ay wax uga ogaadaan musharaxiinta iyo mowqifkooda siyaasadda arrimaha dibedda” ayuu yiri.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahiyay in Wakiilo ka socday dowladaha Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga la kulmeen Wiilka Madaxweyne Trump si ay uga taageerana ololaha doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan DF oo gaaray mid ka mid ah degaanadii maanta laga saaray Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo Shirar Shaki badan abuuray la qaatay Taliyaal Ciidan

Cabdi Cade

Masuuliyiin kormeeray Suuq Dagaal ku gubtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---