Kooxo hubeesan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Jiiro Miskiin ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka biyo diiday in laga dhaco moobeel uu watay.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Ganey ayaa la sheegay inĀ uu la murmay kana diiday burcada in uu siiyo moobeelka, waxaana la sheegay in burcada xabad ku dhufteen sidaasna moobeelka uga qaateen.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, mana ku guuleesan ciidamada booliiska in ay gacanta kusoo dhigaan burcadii dilkaasi ka fulisay degmada Wadajir.
Kooxaha burcada ah ee inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ka dhaca moobeelada, ayaa dila dadka ka biyo diida in ay si fudud ku dhiibaan moobeelada, waxaana burcadan inta badan ku qaraabtaan mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com