Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax Gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka iyo Faah Faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay magaalada Nashville ee dalka Maraykanka, waxaana qaraxaasi khasaaro kasoo gaaray dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay  sadex qof ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray qaraxan ka dhacay magaalada Nashville, waxaana booliiska ku guuleesteen in dadka ka fogeeyaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka booliska magaalada Nashville ,ayaa Warbaahinta u sheegay in goobta qaraxu ka dhacay loogu yeeray booliiska iyada oo lagu wargaliyay in toogasho halkaasi ka socoto, waxaana ujeedka sheegay in aheyd in booliiska lagu waxyeeleeyo qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goobta gaadiidka la dhigo, lamana oga ilaa hada cidii ka dambeesay qaraxaasi gaariga loo adeegsaday.

Muuqaalo warbaahinta lasoo dhigay ayaa muujinayay qaraxan oo waxyeelo gaarsiiyay dhismayaal ku yaala goobta uu qaraxu ka dhacay iyo sidoo kale gaadiid yaalay halka gaariga ku qarxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis hoose oo dhaxmaray Axmed Madoowe & Ra’iisul Wasaare rooble & kuraasta taal Garbahaarey !!

admin

Xildhibaanada Galmudug oo hal arin Darteed aan ugu farxsaneyn Doorashada Dhaceysa !(Ogow)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka K/Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---