Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi Xaqiiqo Raadin ah oo loo diray Xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya 

Dowlada Jabuuti ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah oo isugu jira diblumaasiyiin iyo saraakiil ciidan u dirtay Xuduuda ay wadaagaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan xadka magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in wafdi xaqiiqo raadin ah u direen xaduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan si ay usoo qiimeeyaan xiisada halkaasi ka taagan.

Dowlada Jabuuti oo loo xil saaray xal u raadinta xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dooneysa in xaalada dejiso, waxaana wafdiga Jabuuti la kulmi doonaan dhinacyada xadka labada dal ku sugan.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray kadib markii dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay dowlada kuna amartay in diblumaasiyiinta kala baxdo Soomaaliya.

Labada dal ayaana ciidamo aad u badan soo dhoobay xadka magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, waxaana taagan cabsi laga qabo in ay isku dhacaan labada ciidan ee xaduuda lasoo dhoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Dayuurad ku burburtay duleedka Magaalada Pritoria ee dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Xulufadiisa oo weerar xoogan ku qaaday dalka Siiriya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---