Waxaa maanta shacab kasoo horjeeday siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo hab dhaqankiisa banaan bax ka dhigeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska Banaadir .
Dadka banaan baxa dhigayay oo isugu jiray haween iyo wiilal dhalinyaro ah ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona ku baaqayay in la qabto doorasho xur iyo xalaal ah.
Dibad baxayaasha ayaa markii dambe waxaa rasaas ku furay nin dhar cad ah oo la rumeesan yahay in uu katirsan yahay ciidanka dowlada, waxaana ninkan muuqaal laga duubay la arkayay isaga oo biskoolad ku qabanaya gabdho banaan bax dhigayay.
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul u cambaareeyay rasaasta lagu furay shacabka dhigayay banaan baxa looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.
“Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay diidaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Fahad Yaasiin magaalada kusoo daayeen askar dhac ah si ay u caburiyaan shacabka.
Hadalka Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa kusoo aadaya xili banaan baxyada looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya kusii kordhayaan Muqdisho, ciidamada dowlada ayaana awood u adeegsanaya joojinta banaan baxyada socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/JvVPOMbvSIk