Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Jahwareer xooggan oo maanta ka taagan Suuqyada Magaalada Garoowe

Waxaa maanta jah-wareer xooggan uu ka taagan yahay Suuqyada magaalada Garoowe kaasoo salka ku haya isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxayna arrintani saamayn ku yeelatay nolosha danyarta magaalada ku nool

Goobaha Ganacsiga Garoowe iyo dukaannada ayaa diiday isticmaalka Shiling Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen dowladdu diiday inay canshuurta ku qaaddo Shilinka, ayna ganacsatada ku soo rogtay iney dollar ku bixiyaan.

“Shilinka Soomaaliga maanta waxba waa ku iibsan kari waayay xitaa Rooti. sidoo kale koob shaah ah waan ka cabi waayay, waxaana la i dhahay:  tani socon maysee Dollar ma haysaa” ayuu yiri mid ka mid ah dadka magaalada Garoowe.

Jahwareerkan ayaa saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaasoo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin dhibaatada ku soo korodhay Suuqyada magaalada Garoowe ee sababtay in maanta qoysas badan ay dabka shidan waayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Puntland oo qaaday talaabo uga sii dareysa xiisada ka taagan Garowe

Caydiid Ali

Galmudug oo si adag uga hadashay Dilka Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay shacab laga soo Masaafuriyey Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---