Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir caan ah oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu xilka iska casilo

Wasiirka Amniga Maamulka  Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  inuu dhibaatada ka daayo shacabka ku nool gobolka Gedo.

Janan ayaa sheegay in  dowladda Soomaaliya ay  degmooyinka gobolka Gedo diyaarado ku geysay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya, arrintaasoo uu sheegay iney tahay mid qaldan.

“Wixii dhibaato ah oo ka dhasha ciidankaas waxaa mas’uuliyadooda qaadi doona Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Janan.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay degmada Mandhera ee xadka dalka Kenya  ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia inuu iscasilo oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.

“Ilmo adeer baan nahay Farmaajo waxaan kula talinayaa inuu is casilo oo dalka dhaafo qaatana talada musharixiinta Muqdisho jooga u soo jeediyeen, in dalka laga qabtana kaalin ayaan ka qaadanayaa” ayuu yiri Wasiir Janan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ku Biirista Soomaaliya ee Ururka COMESA iyo Faa’iidada ku jirta (War-bixin)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Qofkii ugu horreeyay UK oo qaatay talaalka cusub ee Coronavirus

Caydiid Ali

Howlgal xoolaha looga aruurinayo wadooyinka Muqdisho oo socda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---