Cali Yaxye Sheekh Cali Cibaar, wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka magac & maamuuska ku dhex leh bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands, waana aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay ururo [local] ah iyo kuwa caalami ah.
Cali Yaxye, waa aasaasaha & isu-duwaha hay’adda Nabadda [Yahye Foundation]. Waraysi uu bixiyey wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda Soomaalida, waxaana waraysigiisu u dhacay siddatan:-
Su’aal: Halkee ayeey marayaan howlihii hay’adda Nabadda Yaxye Foundation.?
Cali Yaxye: Koox waxgarad ah, oo isu tegay ayaa muddo sii horeysay isku howlay in ay gogol xaar u noqdaan hirgelinta hayâad u qalanto magacii walaalkeey C/qaadir Yaxye oo ahaa aasaasihii & agaasimihii hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee magaceeda loo soo gaabiyo CRD. Waxaa laga dooday hayâad noocee ah ayeey noqoneysaa.? Maadaama C/qaadir uu ahaa shaqsi taariikhda Ummadda Soomaaliya baal dahab ah kaga qornaa. Waxaa la isla soo qaaday aragtiyo kala duwan, dadka qaar waxay soo jeediyeen maadaama uu ahaa nin nabadda & xasiloonida u ololayn jiray in si magaciisu ugu dhex noolaado quluubta dadka Soomaaliyeed in hindisaha lagu daro wax raasumaal u noqon kara taariikhdaasi, wixii talo la rog-rogaba waxaa la iswaydiiyay; ma waxaan culayska saarnaa siyaasadda, ma dhaqaalaha, mise dhinaca wacyigelinta bulshadda, waxaa la isla gartay in hayâaddaasi ay xoogga saarto waxbarashada, waxaan ka walaacsanayn mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee aan tahli karin ama heli karin fursad waxbarasho, waxaan damaanad qaad u sameynay kun caruur ah inaan ka caawino waxbarashada, waxayna caruurtaasi ka kala imaanayaan Magaalooyinka Soomaalida, Magaalooyinka qaarkood 100, kuwa 50, waxaan u qaybinay hadba sidii ay inoola muuqatay.
Ujeeddadu waxay ahayd, inaan ummadda ku baraarujino, oo aan hurdada ka kicino, oo aan dhahno waxbarashadu waa dariiqa ugu wanaagsan ee lag soo saari karo bulsho xor ka ah jahliga, waxaa la isku afgartay in sameeyo wax loogu magac-daray [beesha nabadda], waxaaa ka dhashay beel nabadeed, beeshaas waajibaadkeeda ugu culus waxay noqonaysaa dhiiragelinta waxbarashada.
Suâaal: Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands cudurka Covid19.?
Cali Yaxye: Covid19 waa cudur saf-mar ah oo adduunka gilgilay, haddii aan Soomaalida dalkan ku dhaqan nahay waxaa markii hore nagu yaraa fahamka aan fahamsanahay, dowladdu waxay samaysay intii karaankeeda ah sidii loo xakamayn lahaa cudurka, ururka Hirda oo ka mid ah ururada Soomaalida wuxuu sameeyey wacyigelin; Teeda kale, haddii aad barbar dhigto Soomaalida mushtamacyada kale ee dalkan nala dagan waxaa muuqata in xaga geerida aan ka yar nahay.
Su’aal: Dad badan waxay qabaan in Soomaalidu aysan helin wacyigelintii loo baahnaa, taasi ma kuu muuqataa.?
Cali Yaxye: Marka loo eego qowmiyadaha kale ee dalkan ku dhaqan Soomaalida xaga abaabulka & wacyigelinta waxaan nahay mushtamaca ugu liita, way jiraan ururo Soomaali ah oo dedaalay, bulshadana farriimo caafimaadkooda  muhiim u ah gaarsiiyay, waxaan aaminsanahay in laftooda culeysyo badan dul saaran yihiin, waayo wax walba oo yimaada si degdeg ah jawaab kagama bixin karaan, dhinaca kale, Dowladda dhexe ee Holland, ama Gemeetiyaasha waxaad moodaa in Soomaalidu haddii wax la qabanaayo dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto ay noqonayaan, sababtuna waxay tahay nambarkeena ayaa aad u yar. Tusaale ahaan Magaalada aaan daganahay ee Rotterdam waxay ka mid tahay magaalooyinka haddii ba aysan ahayn Magaalada 1-aad ee ay degan yihiin Soomaalida ugu badan, sidaas oo ay tahay tirada Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 2000 ilaa 2,500 ma ahan nambar la sheegi karo, waxaan ku dhex milmeynaa boqolaalka kun ee kale ee ajnabiga ah, dadka qiimeynta sameynaya waxay fiirinayaan nambarka, marka dhaliisha ururada kale laguma dhaliilo karo dowladda laftigeedu kaalin ayeey ku leedahay.
Su’aal: Dalkan, ururo & hay’ado Soomaalidu leedahay ayaa ka jira, dallada FSAN ka sokow in ay tahay dallad ay ku middeysan yihiin ururada ugu badan, haddana waa dallada keliya ee dowladda dalkan ay kala soo xiriirto arrimaha Soomaalida quseeya, sidoo kale waxaa jira Hirda oo safka hore kaga jirta ururada “active” ka ah, dhinacyadaasi ma leeyihiin wada-shaqayn ay isaga kaashanayaan arrimaha xasaasiga ah.?
Su’aal: Haddii ururada ama hay’adda Soomaalida aad talo siin lahayd, maxay taladaasi noqon lahayd.?