Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyey duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa maanta duqeyn dhinaca cirka ka fuliyey degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

War-Saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in la duqeeyey saldhig Al-Shabaab ku leedahay Saakow, loona geystay burbur xooggan.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay in Al-shabaabkii ku sugnaa saldhigaas ay ka firxadeen falalkii argagixiso ee ay ku howlanaayeen sida ay warka loo dhigay, waxayna xuseen iney socoto qiimeyn ku saabsan khasaaraha nafeed ee soo gaaray dagaalyahanadii ku sugnaa saldhigaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan aysan wax khasaare dhimasho iyo dhawac ah kasoo gaarin dad rayid ah, isla markaana ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Al-Shabaab.

fiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan Wasiirka difaaca Somalia la qaatay dhigiisa Kenya?

Caydiid Ali

Iimaan Caddow Kaarshe oo isagoo katiinad ku xiran laga soo dejiyey Muqdisho

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kulamo la qaatay madaxda Hay’addaha TIS iyo TIKA (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---