Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo xiray Shirkad sameysa daabacaada, xabsina ku guray shaqaalaheedii

Ciidanka Booliska DF ayaa albaabada u laabay shirkad sameysa Daabacaada oo ku taalla magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale xabsiga u taxaabay Shaqaalaheedii

Shirkaddan oo lagu magacaabo MIDABSAN ayaa xarunteeda oo ku taalla agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Almukarama waxaa u dhacay ciidamada Booliska oo amray in la xiro xarunta, iyagoo sidoo kale xabsiga u taxaabay shaqaalihii iyo masuuliyiintii joogay.

Xarunta shirkadda ayaa waxaa agagaarkeeda lagu arkayey gaadiidka Booliska oo halkaas lagu gooyey, waxayna sidoo kale wararku sheegayaan in la baaray xafiisyada xaruntaas.

Kama hadlin booliska sababta Shirkadda iyo shaqaalaheediiba loo xiray, balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo heysto daabicidda Boorar looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo ee loo adeegsado bannaabaxyada ay Muqdisho ka abaaulaan Mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Biden oo wax ka bedelay siyaasadii Maraykanku uga howlgeli jiray Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Xildhibaano kamid noqonaya Baarlamaanka Somalia oo maanta la dhaariyay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---