Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Weerar ka dhacay Degmada Kaaraan

Ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo ka amar qaata Sargaal milatari oo dowlada baadi goob ugu jirto soo qabashadiisa ayaa shalay weerar ku qaaday agagaarka xarunta degmada Kaaraan, waxa ayna halkaasi ku dileen labo askari iyo qof shacab ah.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Aadan Cali oo maanta Warbaahinta kula hadlay xarunta degmada Kaaraan ayaa sheegay in koox burcad oo ciidan isku ekeesiiyay shalay soo weeraraeen xarunta Degmada Kaaraan.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Booliiska in weerarka burcada hubeesan fulisay lagu dilay labo askari oo katirasnaa ciidanka booliiska Soomaaliya iyo qof kale oo shacab ah oo ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay.

Afhayeenka ayaana sheegay in booliiska Soomaaliya ku raad joogaan burcadii weerarka ku dilay ciidamada booliiska, waxa uuna Afhayeenka cadeeyay in ragaasi lasoo qaban doono lana horgeyn doono cadaalada.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta degmada Kaaraan ayaa la sheegay in ay ka amar qaataan sargaal dhawaan dowlada weerartay gurigiisa kana soo qabatay askar iyo hub yaalay, waxaana sargaalkan ku lug lahaa dagaalo dhawaan ka dhacay Kaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Francisco Madeira oo ka qeyb galay kulanka Golaha Amniga Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Haweeney loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika

Cabdi Cade

Ayax guuraya oo ku habsaday degaano cusub iyo Jubbaland oo digniin soo saartay

Caydiid Ali