Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muhiim ah oo Puntland & Galmudug u furmay iyo Qodobada looga hadlayo(Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

Related posts

Laamaha amniga DF oo kulan deg deg ah iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyey Shirka garsoorka Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo Wareegto ku Magacaabay xilal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---