Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil Muqdisho loogu geestay Nadiir Maxamed Kheyre

Kooxo hubeesan ayaa  xalay xaafad katirsan Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Nadiir Maxamed Kheyre, oo kamid ahaa dadka kunool degmadaasi.

Dableyda dilka fulisay ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana xaafada dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida kuwaa oo sameeyay baaritaano aan natiijo kasoo bixin.

War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen masuuliyada dilka loo geestay Nadiir Maxamed Kheyre oo ay sheegeen in uu katirsanaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay gaar ahaan qeybta loojistikada.

Al Shabaab ayaana sheegtay dagaalyahanadii dilka ninkaasi fuliyay ay si nabad galyo ah goobta uga tageen, waxa ayna sheegeen in howlgalka ninkan lagu dilay uu ahaa mid la qorsheeyay.

Booliiska Soomaaliya ayaan faah faahin ka bixin dilkan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kale ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay oo Al Shabaab sheegtay in uu u shaqeenayay ninkan ay dileen.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawiradda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sannado kadib maanta tagay Villa Somalia

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo ka baxay marinka kala qeybiya Gaza

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha dibeda ee Somalia iyo Kenya? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---