Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii Cusbaa ee Dowlada geesay Gobolka Gedo oo hub loo qeybiyay (Sawirro)

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo badan oo qaarkood cusub yihiin ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana ciidankan loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidamada jooga degmada Balad Xaawo .

Ciidamada la geeyay gobolka Gedo oo la sheegay in lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa loo qeybiyay hubka nuucuadiisa kala duwan , waxaa sidoo kale ciidamadan la siiyay gaadiid dagaal ay ku howl gali doonaan.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujinayay ciidamadan oo hub loo qeybiyay oo sawir kula jira saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Gedo, waxaana la filayaa in ciidamadan la geeyo degmada Balad Xaawo.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaana ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in ciidamo badan ku daabulayo gobolka Gedo halka gobolada daris la ah Banaadir  aysan amaan ka jirin ayna awood ku leeyihiin dagaalyahanada Al Shabaab oo dowlada kasoo horjeeda.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo sheegay in Gebogebo marayo heshiis u dhaxeeya Xamaas iyo Israel

Cabdi Cade

Musharaxnimada Xasan Cali Khayre oo Dhalisay Su’aalo Ka Badan Jawaabaha !!

Cabdi Cade

Xaggee ku dambeeyey Khilaafkii u dhexeeyey Madaxweyne Qoorqoor & ku-xigeenkiisa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---