Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya ka bilaabay howlgalka Octave Quartz

Markabka dagaalka Mareykanka ee diyaaradaha xambaara USS Hershel Woody Williams ayaa soo gaaray Xeebaha Soomaaliya isagoo fulinaya howlgalka ciidamada Mareykanka looga daadgureynayo Soomaaliya (Octave Quartz)

Markabkan oo ay saaran yihiin kumanaan askari, diyaarado dagaal, helikobtaro iyo Diyaaradaha xamuulka ayaa ka jawaabaya baahida ciidamda Mareykanka ee la daad gureyneyo iyo wixii khatar ah ee ku imaan kara.

Soomaaliya waxaa ku sugan askar Mareykan ah oo gaaraya ilaa 700 askari, hubkooda iyo saadka ciidamdaasi oo ay ku jiraan dyaaradaha Drone-ka ee ay ku howlgalaan.

“Imaanshaha Markabka iyo awooddiisa dagaal waxay caddeyn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno ciidamadeena xilligan kala guurka ah” ayuu yiri taliyaha ciidamada Cirka Mareyanka ee Afrika Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 300 oo Arday oo maanta ka qalin Jabisay Jaamacadda Jamhuuriya (Sawirro)

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo ku dhegan Wasiirkii amray in la xiro Tiktok iyo aalado kale

Caydiid Ali

Digniino culus oo laga bixiyey halis ku soo wajahan gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---