Soomaaliya waxay maraysaa xilli kala-guur iyo marxalad khatar ah oo ay ku gadaaman yihiin mugdiyo badan. Mustaqbalka dalku wuxuu u muuqda mid fawdo iyo dagaalo sookeeye dib ugu sii siqaya. Waxaa welwel innaga haya mudaharaadyada shacabka reer Muqdishu iyo mucaaradka oo dhinac ah iyo DFS oo ciidamo fara badan ku soo dadisay magalada si loo joojiyo mudaharaadyada. Mudaharaadyadii ka dhacay muqdishu bishaan 15-keedi iyo 16-keedi waxay sababeen in la isu isticmaalo rasaas nool, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac. Ma muuqato ila iyo waqtiga xaadirka wax waanwaan ah oo ka dhex socota dawlad goboleedyada, mucaaradka iyo dawlada dhexe.
Waxaan wada sugeyney in xulistii xildhibaannada DFS la bilaabo sida ku xusnayd heeshiiskii habraaca doorashada ee 17-kii September la saxiixay, laakiin waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii la isku khilaafay guddiyadii doorashada iyo xallinta khilaafaadka. Khilaafkaas wuxuu keenay in dhamaan geedi-socodkii doorashada uu istaago.
Sida ku xusan qodobbada dastuurka KMG ee 60-aad iyo 91-aad muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka waa 4 sano. Qaabka hadda wax u socdaan waxaa ka muqata in firaaq siyaasadeed (political vacuum) la gelyo, taas oo khatarteeda leh.
Dawladda iyo daneyayaasha Soomaaliya waa in ay fahmaan muhiimada ay leedahay qabashada doorasho ku timaada wada oggol oo ay hirgelinayaan guddiyo dhexdexaad ah, lagu wada kalsoonaan karo lana aamini karo. Guddiyadaasi waa in ay ka madax-banaanaadaan fargelin dawladeed iyo in ay ku dhexmilmaan shaqaalaha rayidka ah (civil servants), ciidammada, xeer ilaaliyaasha iyo diblomaasiyiinta sida ku xusan xeerarka dalka.
Waxan welwel iyo cabsi ka qabna hadaynu nahay Manifesto II, hadallada hanjabadda ah oo mucaaradka iyo dawlada federaalka saxaafada isu marinayaan, khaasatan baaqyada ka imaanya mas’uuliyiinta qaar oo la baneysanayo dhiiga mucaaradka ku shirsan Hotel Jazira ayada oo aayado quraana la adeegsanayo.
Waxa kale oo aan ka welwelsannahay in rabshadahaasi ka fa’ideysanayaan kooxda Al-shabaab khatar weynna ay ku tahay amniga guud ee magalada Muqdishu, taas oo wax kama jiraan ka dhigi karta guullihi amni ee ila hadda la gaaray.
Waxaa lagama maarmaan ah in marxalada laga gudbo ayada oo saamileyda siyaasada cid walba doorka kaga aadan qaadaneyso.
- Doorka DFS iyo dawlad-Goboleedyada;
Waxaa lagama maarmaan ah in ay mas’uuliyinta DFS iyo D/Goboleedyadu is hor faristaan, oo si tanaasul, mas’uuliyad iyo dan qaran ay ka muuqato u mujiyaan (political maturity) qabashada doorasho wada ogol ah sida ugu dhaqsiyaha. Taas oo lamid ah kuwii dhacay 2012-kii iyo 2017-kii.Waa in ay ka fogaadan wixii keeni kara amni-daro iyo gacan-ka-hadal.
- Doorka beesha caalamka (international Community);
Waxan dareensanahay, dhanka beesha caalamka qaasatan xaafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) in uu ka gaabiyey in xaqiiqda iyo runta dalka taalla uu ka turjumo, kana falceliyo sidii doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka dhacdo. Hadaba, Unsom waxaan u aragnaa intii ay kaalinteeda ka qaadan lahayd geeddisocodka siyaasadda iyo amniga Soomaaliyeed in ay indhaha ka fiirsaneyso. SRSG, Amisom iyo saaxibada Soomaaliya waa in ay door ka qaatan sidii loo xalin laha is-hor-fadhiga siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii kale wixii horumar la sameeyey sannadihii la soo dhaafay wax kama jiraan ayey noqonayaan taas oo Al-shabab fa’ido u ah.
- Mucaaradka;
Mucaaradka waxaa looga fadhiya in aysan marxalada jirta uga sii darin, balse ay qaboojiyaan, lana abuuro jawi lagu wada hadli karo. Waxa kale oo muhiim ah in ay la shaqeeyaan D/Goboleedyada si wada xaajoodka ay qayb uga noqdaan.
- Doorka Manifesto II iyo Ururada bulshada;
Manifesto II iyo ururada bulshada waxa looga bahanyahay in ay door dhexdhexaad ah qaatan si garbaha is haysta loo wada hadalsiin lahaa, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee is hor-yuurarka ah. Manifesto II oo ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin iyo aqoonyahan soomaaliyeed ee gudo iyo dibedba jooga waxaa u muuqata khatarta ay leedahay marxalada dalku ku jiro oo keeni karta dagaal qabiileed oo lagu hoobto, halkaasna ay ku baaba’do rajadii dawladnimo.
Spokesperson of Manifesto II Forum: Name: Ahmed Warsame Abtidon Contact Number: +44 7950 519801 Email:Â ManifestoIIforum@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com