Shacabka magaalada Mandheera kunool ayaa waxaa soo food saaray cabsi ay ka qabaan in korkooda ku dagaalamaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya soo dhoobtay Xadka Kenya iyo Ciidamada Jubbaland ee ku sugan qeybo kamid ah Mandheera.
Ciidamada uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan ayaa ku sugan deegaano katirsan magaalada Mandheera, waxaana la sheegay in saldhigyo ka sameesteen beero dad shacab ah leeyihiin oo kuyaala duleedka Mandheera.
Shacabka kunool magaalada Mandheera ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in saacado gudahooda magaalada Mandheera iyo duleedkeeda uga saarto ciidmada ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland.
Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo gaabiyo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sidoo kale cabasho ka dhan ah wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan u gudbiyay dowladda dhaxe ee Kenya .
Guddoomiyaha golaha SUPKEM ee magaalada Mandheera, Cabdulmajiid Khaliif Maxamed ayaa idaacada BBC-da u sheegay in muddo 48 saacadood gudaheed ay doonayaan in Janan uu uga baxo Magaalada.
“Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saran ayaan doonaynaa .” Ayuu yiri Sheekh Cabdulmajiid.
Shacabka kunool magaalada Mandheera ayaana si weyn uga soo horjeeda in deegaankooda joogo uuna colaad ka huriyo Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirsahiid Janan oo gudaha u galay Mandheera kadib markii awood looga saaray Balad Xaawo.