Dagaal ayaa la soo sheegayaa iney caawa ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaas ku wada sugan ayaa la soo sheegayaa inuu dhexmaray dagaalkaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
“Ciidan ka tirsan guutada 14-ka Otoobar iyo kuwa nabad sugida ka tirsan ayaa ku dagaalamay caawa muddo saacado ah ayuuna socday dagaalka” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay allbanaadir Online.
Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay socodka dadka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Marko, iyado shacabka magaalada uu la soo dersay cabsi iyo khal khal fara badan.
Sida wararku sheegayaan sarkaal magaciisa lagu soo koobay Maxamed Dalabey ayaa ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkaas oo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay aan la ogeyn, sidoo kale ma cadda sababta dhalisay dagaalkan, Maamulka gobolka iyo kan magaaladana kama hadlin weli.
Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com