Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo shuruud ku xirtay iney wadahadal la furto dhigeeda Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Warbaahinta qodobbadii kasoo baxay Shirka gaar ahaan kuwa khuseeya Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in urur Goboleedka IGAD ay cadaadis saareen Soomaaliya, kaasoo ku aadan inay wadahadal la furto Kenya, lana soo celiyo xiriirka labada dal.

“Soomaaliya way oggolaatay in arrinta Kenya wadahadal lagu dhammeeyo, balse waxaan ku xirnay shuruud aan ku dalbanay in guddi loo saaro arrimaha ay ka dacwoonaysay dowladda Soomaaliya ee ah fara gelinta Kenya nagu heyso” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda.

Maxamed Cabdirisaaq Max’uud ayaa intaas ku daray in IGAD ay go’aansatay iney guddi xaqiiqo raadin ah u saarto jabhad uu sheegay in Kenya ay ka abaabuleyso xadka labada dal .

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax si ulakac ah loogu casuumay biyo Wasakheysan & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin kamid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Somalia oo Ra’isul Wasaare noqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Afar qof oo Isku Qoys ah oo ku dhintay Biyo xireen ay Sawir isaga qaadayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---