Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doono dalkaasi Salaad Cali Jeelle.
Danjiraha cusub ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Jabuuti, waxaana qaabilay madaxweynaha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labad dal.
Salaad Cali Geelle oo dowladii KMG ahayd ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka noqday Wasiir ku-xigeenka Gaashanadhigga ayaa ka mid ahaa mudooyinkan siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com