Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo hub culus ku weeraray Diyaarado Kenya laga leeyahay oo …

Ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta hub culus ku riday diyaarado dagaal oo laga leeyahay si khalad ah usoo galay hawada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradaha Kenya ayaa soo galay hawada Degmada Balad Xaawo gaar ahaan aaga ay ciidanka milatariga Soomaaliya ka joogaan Xuduuda u dhaxeeya Degmada Balad Xaawo iyo Mandheera.

Ciidamada milatariga ayaana markii dambe hub culus ku riday diyaaradahan soo galay hawada Balad Xaawo, waxa ayna ku qasbeen in ay si deg deg ah diyaaradahan uga baxaan hawada Soomaaliya.

Xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa lasoo dhoobay ciidamo badan oo labada dal leeyihiin, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamadaasi uu isku dhac dhax maro xili khilaaf xoogan u dhaxeeyo labada dal.

Shacabka kunool xadka Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa guryahooda isaga barakacay, waxa ayna shacabku ka cabsanayaan kor korkooda ku dagaalamaan ciidamada xuduuda lasoo dhoobay.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qarax mar kale lagu burburiyey xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud

Caydiid Ali

Turkiga oo Qaxootigii ku sugnaa dalkiisa ku fasaxay qaarada Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoonka Labada Aqal oo u Mahadceliyay Guddigii doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---