Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo xir xiray qaar kamid ah dadkii hor kacayay Banaan bixii Muqdisho

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xir xiray qaar kamid ah dhalinyaradii horkaceesay banaan bixii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay xaafado katirsan Waqooyiga Muqdisho.

Dhalinyarada la xir xiray ayaa qaarkood lagala baxay guryahooda kadib markii ciidamada ugu dhaceen, waxaana dhalinyaradan dowlada ku eedeesay abaabulka banaan baxyo rabshado watay iyo kicin dadweyne.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowlada ayaa ku guul dareestay in ay soo xiraan qaar kale oo kamid ah dhalinyarada horkaceesay banaanbaxa kuwaa oo cararay xili la isku dayay in ay baxsadaan.

Dadka abaabulayay banaan baxa sidoo kale kasoo muuqday Warbaahinta qaarkood ayaa hada dhuumasho ku jooga magaalada Muqdisho, waxa ayna qaarkood joogaan guryaha musharaxiinta iyo guryo ay degan yihiin siyaasiyiin kale oo mucaarad ah.

Banaan baxyadii rabshaaha watay ee dhawaan ka dhacay xaafado katirsan Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo abaabulay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kana soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Heer Federaal oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee dalka

Caydiid Ali

Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Danjire Cagabaruur oo ka digay halis ku soo wajahan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---