Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar

Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mugabe inuu keeno caddeymo muujinaya halka ay ka baxeen dhayman lagu qiyaasay 15 bilyan oo dollar, intii uu xukunka hayey.

Guddiga macdanta oo uu hoggaamiyo sharci dejiye Temba Mliswa ayaa sheegay inay Mugabe su’aalo ku weydiin doonaan qasriga uu ka degan yahya magaalada Harare ee loo yaqaan Blue Roof.

Mliswa ayaa sheegay in go’aankan uu ka dambeeyey isku dayo hore oo guuldarreystay, kuwaasoo la doonayey in Mugabe uu ku horyimaado baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo dhaymanka maqan.

Mugabe iyo afhayeenkiisaba weli wax war ah kama aysan bixin arrintan.

Ururada aan dowliga ahayn iyo xeel-dheerayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya inay filayaan in Mugabe uu ku eedeeyo milatariga inay dhaymanka kala baxeen goobo laga qodo, oo ku yaalla magaalada Chiyadzwa, ee gobolka Manicaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Muhiim ah oo maanta ka dhacay Gudaha Dekadda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sheegay in guryo aay lahayeen sharci darro lagu bur-buriyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Banaadir oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---