Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo aad u qalabeysan ayaa caawa lagu daadiyey qaar ka mid ah degmoyinka ku yaalla woqooyiga magaalada Muqdisho.
Xaafadaha sida xoogan ciidamadan loogu arkay waxaa ka mid ah Kaaraan, Yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah degmooyinka C/casiis iyo Shibis,
Ciidamada oo iskugu jira Boolis, Nabad sugid iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa taagan laamiyada iyo jidcadeyaash xaafadaha.
Dadka degaanka ayaa sheegay in caawa fiidnimadii horeba ay guryahooda ku xeroodeen, lana xiray goobaha ganacsiga, waxaana sidoo ale aad u yaraaday gaadiidka jidadka maraya.
Lama oga illaa hadda ujeedka rasmiga ah ee ciidamadan balse wararka qaar ayaa sheegaya iney ku raad joogaan ciidamo shalay ku dagaalamay woqooyiga Muqdisho, kuwaasoo sababay dhimashada 10 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre oo ahaa saraakiil ku lug lahaa dagaalkii shalay ayey wararku sheegayaan in ciidamada dowladu ay baadi goobayaan si xabsiga loo dhigo.
Howgal lagu doonayey in lagu soo xiro saraakiishan oo xalay ka dhacay woqooyiga Muqdisho ayaa fashilmay markii saraakiisha la doonayey in la soo xiro ay ka war heleen qorshaha xarigooda ayna u baxsadeen degaano ku yaalla duleedka degmada Kaaraan.
Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com