Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Afrika oo War ka soo saaray khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay in si deg deg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Isagoo khudbad ka jeedinayey shir madaxeedka IGAD ee ka furmay Jabuuti ayuu Moussa Faki Mahamat intaas ku daray in midowga Afrika uu walaac badan ka qabo heerka uu gaaray khilaafka labada dal.

“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taasoo sababtay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codado urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiirigeliyeen.” ayuu yiri Moussa.

Moussa Faki Mahamat, Gudoomiyaha Midowga Afrika, ayaa madaxda halkaas ku shiraysay xasuusiyay xiriirka soo jireenka ahaa ee muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya iyo in labadan dal ee dariska ah.

“Waa in aan xusuusnaanaa in Kenya ay ka mid tahay wadammada ciidammada ugu deeqay hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya. Waxayna martigelisaa bulsho Soomaalideed oo qaxooti ah. Waxaanan hubaa in xiriirkaasi weyn ee soo jireenka ah oo u dhaxeeya labadani waddan iyo shacabkooduba inuu ka weynaan doono khilaafka iyo caqabadaha haatan jiraba.” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

 

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay boqorka UK oo shaaciyay in dad badan uu laayay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo hirgelisay adeeg ka dhan ah Al-shabaab

Caydiid Ali

Mucaaradka Somaliland oo cabasho u gudbiyey danjire Kate Foster (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---