Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shirkii Madaxda urur goboleedka IGAD oo si rasmi ah uga furmay Jabuuti

Shir Madaxeedkii dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa galabta ka furmay Magaalada Jabuuti.

Shirka waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk oo ah Guddoomiyaha sannadkan ee madaxda urur goboleedka IGAD.

Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay arrimaha horyaalla urur goboleedka oo ay ka mid yihiin iskaashiga, abaaraha iyo la dagaalanka ayaxa iyo xasaradaha ka jira geeska Afrika.

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirkaas ka hadashay ayaa soo hadalqaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ka hor furitaanka shirka ayaa kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya; Itoobiya iyo Suudaan. Sidoo kale waxaa kulan afar-geesood ah yeeshay madaxda Itoobiya, Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday sargaalkii dilka u geestay Najma Cabdillaahi Maykal

Cabdi Cade

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---